Muxuu ka yiri macalinka Inter Milan kulanka adag ee kala dhaxeeya kooxdiisa Barcelona.

Macalinka Inter Milan Luciano Spalletti ayaa sheegay in kulanka ay caawa ku wajahayaan naadiga Barcelona wareega afaraad ee tartanka Champions League lagu go’aamin doono hadii ciyaartoydiisa ay heystaan qaab ciyaareed wanaagsan ay kala hortagi karaan koox kasta.
Inter Milan ayaa marti galineysa dhigeeda kooxda Barcelona kulamada afaraad ee heerka group-yada Champions League.
Ka hor kulankan shir jaraa’iid oo uu qabtay Luciano Spalletti ayuu wuxuu oga hadlay in Barcelona ay tahay koox adag xitaa marka uu ka maqan yahay Lionel Messi.
“Falfasada kooxda Barcelona waxay kaga gudbi kartaa tartan kasta, xitaa marka uu ka maqan yahay Messi”.
Lionel Messi ayaa shaley saaxibadiis ee kooxda Barcelona tababar kula sameeyay garoonka Giuseppe Meazza, kadib markii uu laacibkan garoomada ka maqnaa labadii isbuuc ee lasoo dhaafay.
Xidiga reer Argantina ayaa garoomada oga maqnaa dababa la xiriira dhaawac jabniin ah ee kasoo gaaray dhanka xusulka gacanta midig ciyaartii u dhaxeysay kooxda Sevila.
Tababarahan ayaa waxaa uu hadalkiisa ku soo xiray: “Hadii uu Messi ka maqan yahay kooxda Barcelona waxay walwal ku tahay cid kasta, balse furaha ugu weyn ee kulankan waa awoodeena iyo inaan si fiican u ciyaarno kubada cagta”.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *