Shirkadda Safaricom oo Western Union la saxiixatay heshiis lacago la isugu diri karo

Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa maanta magaaladatani Nairobi ku daahfurtay adeeg cusub oo loogu magacdaray M-PESA Global.
Arrintan ayaa timid kadib markii ay heshiis lacagaha la isugu diri karo guud ahaan caalamka ay la saxiixatay shirkaddda kale ee Western Union.
Adeeggan ayaa qof kasta , meel waliba oo uu dunida ka joogo u fududeynaya inuu lacag u soo diro cid kasta oo ku sugan Kenya oo ka mid ah macaamiisha isticmaala adeegga M-pesa .
Sido kale shacabka Kenyaanka ah ayaa wadamada kale ee dunida lacago u diri kara iyagoo adeegsanaya M-pesa.
Dadka ku nool wadanka dibadiisa ayaa adeegsan doono in ka badan 500,000 oo ah xarumaha Western Union iyagoo si toos ah dhaqaalahaasi ugu soo xawili karo akoontoyada bangiyeed ee qofka ay doonayaan inuu qaato.
Sarkaalka ugu sareeya ee Safaricom u qaabilsan dhanka adeegyada maaliyadeed ,Sitoyo Lopokoiyit, ayaa carrabka ku dhuftay in tallaabadan ay tahay guul weyn oo u soo hooyatay shirkadda si la isugu xiro dadka ku kala nool daafaha caalamka ee jecel inay si fudud lacago isugu xawilaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *