Taliban oo weerar ku dishay 20 ka mid ah ciidamada Afghanistan

Dagaalyahaanada kooxda Taliban ayaa maanta oo talaada ah lagu soo waramayaa inay 20 ka mid ah ciidamada wadanka Afghanistan ku dileen weerar ay ku qaadeen saldhig ku yaalo dhinaca galbeed.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay gobolka Farah oo xiga xadka kala qeybiyo Afghanistan iyo iiraan.
Bishii shanaad ee sannadkan ayay Taliban wacad ku martay inay gebi ahaanba la wareegi doonto gobolkaasi.
Wasaaradda gaashaandhigga ee Afghanistan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in bishii sagalaad ee sannadkan oo keliya ugu yaraan 500 oo ka mid ah ciidamadeeda lagu dilay weeraro kala duwan oo lala eegtay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *