Turkiga oo xiray 24 eedeysanayaal ah oo lala xariiriyay Daacish

Ciidamada booliska ee dalka Turkiga ayaa xabsiga u taxaabay 24 qof oo lagu eedeyay inay lacago u diraan kooxda la magacbaxday khilaafada islaamiga ee ISIS.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaalka loogu jiro in la wiiqo awoodda dhaqaale ee argagixisada.
Wakaalada wararka ee Turkiga ee Anadolu ayaa ku warameysa in howlgalada dadkaasi lagu soo qabqabtay laga fuliyay 11 gobol.
Booliska ayaa howlgalo guda galay kadib warqad eedeysanayaashan lagu soo xirayo oo ka soo baxday xafiiska dacwad oogaha gobolka Diyarbakir .
Eedeymaha loo soo jeediyay waxaa ka mid ah inay dhaqaalo ugu deeqeen dagaalayaanada ISIS ee ka howlgalo wadamada Syria, Lebanon, Ciraq, Indonesia iyo Liibiya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *