Ardaydii lagu afduubtay Cameroon oo la soo siidaayay

Wararka naga soo gaaraya dalka Cameroon ayaa sheegaya in la soo daayay arday ay tiradoodu dhantahay 78 iyo darawal maalmo ka hor la afduubtay.
Dadkaasi ayaa laga kaxeystay galbeedka wadankaasi .
Hasa ahaate waxaanan weli la soo furan maamulaha dugsiga iyo macalin dhigayay xaruntaasi waxbarasho.
Dadkan ayaa isniintii laga afduubtay magaalada dhanka ganacsiga ku hormartay ee Bamenda oo looga hadlo luqadda ingiriiska.
Madaxa mid ka mid ah kaniisadaha Cameroon oo lagu magacaabo Samuel Fonki ayaa arrintan xaqiijiyay wuxuuna shacabka wadankaasi ku nool ugu baaqay inay la haystayaasha u soo duceeyaan si loo soo badbaadiyo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *