Dab ka kacay suuqa Gikomba ee Nairobi

Ganacsatada suuqa Gikomba ee magaaladatani Nairobi ayaa waxaa soo gaaray khasaaro hantiyeed kadib markii arroornimadii hore ee saaka uu halkaasi dab xooggan qabsaday.
Dabkan ayaa lagu soo waramayaa inuu bilowday 2-dii arroornimo ee saaka uuna socday ilaa iyo 7-dii.
Waxaa halkaasi gaaray kooxaha gurmadka oo si weyn uga qeyb qaatay in lala tacaalo.
In dabka si buuxda loo damiyo waxaa iska caawiyay sarakiil ka socday booliska, waaxda dab damiska iyo hay’adda laanqeerta cas.
Mid ka mid ah ganacsatada oo lagu magacaabo Ms Joan Njeri, ayaa sheegtay in dabku uu halkaasi uga kacay si lama filaan ah taasi oo walaac ku beertay.
Ciidamo booliis oo dheeraad ah ayaa goobta la geeyay si dadku aysan gudaha u gelin suuqa gubanaya oo aynan dhibaato uga soo gaarin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *