DHAGEYSO Banaanbax Ciidamaa AMISOM looga soo horjeedo oo maalinkii labaad Muqdisho ka dhacay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay inuu la kulmay taliyaha Ciidanka AMISOM oo uu kala hadlay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Ciidankii ka dambeeyay dadkii Shacabka ahaa ee shalay lagu dilay Hilwaa.
Waxaa uu sheegay in taliyaha ciidanka AMISOM uu u ballanqaaday in ay tilaabo ka qaadi doonaan Ciidanka dhibka geystay,islamarkaana uu la kulmi doono Ehellada dadkii ay waxyeelado soo gaartay.

Dhanka kale waxaa maalinkii labaad magaalada Muqdisho ka socda banaanbax ay dhigayaan shacabka gobolka Banaadir oo ay ku diidan yihiin dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan kuwaasoo ay ciidamada AMISOM ay dileen.

Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee dowlada fedraalka Soomaaliya ayaa dhankooda maanta la kulmay Taliska ciidanka AMISOM waxayna kala hadlaana arrinta ku saabsan dadka shacabka ah ee ay ciidamadaasi dileen.
Kadib markii ay ka soo laabteen taliska AMISOM saraakiisha ciidamada Soomaaliya waxay dib ugu laabteen xarunta madaxtooyada halkaasoo ay madaxweynaha kula kulmayaan ayna ka wada hadlayaan arinta la xiriirta dadka shacabka ah ee lagu laayay magaalada Muqdisho.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *