DHAGEYSO Hay’adda MSF oo ka hadashay shaqa joojinta dhaqaatiirta Dhagaxleey

Hay’adda dhaqaatiirta aanan xuduuda lahayn ee MSF ayaa markii ugu horaysay ka hadashay shaqa joojinta ay ku guda jiraan howlwadeenada cafimaadka ee xerada qaxootiga ee Dhagaxleey kuwaas oo kowdii bishan ku dhaqaaqay shaqo ka fariisi .
Madaxa gargaarka degdega ah u qabilsan hay’addan , Abubakar Maxamad oo khadka taleefoonka ugu waramay idaacada Star FM ayaa sheegay in shaqa joojinta howlwadeena cafimaad ay ku dhaqaqeen ay saameyn ku yeelatay adeegyadii ay bixin jiren isla markaana xarumihii lagula socon jiray bukaanada ay xiranyihiin.
Waxaa uu intaasi ku daray in cabashada shaqalaha qaarkood gaar ahaan dhanka mushaarka ay jiraan sharciyo ku aaddan oo u degsan hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.
Hasa ahaate waxaa uu carrabka ku dhuftay inay ku guda jiraan xalinta gadoodka shaqalaha isagoo raja wanaagsan ka muujiyay wadahadalada socda

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *