Ilhaan Cumar oo ku biirtay Kongareeska Maraykanka

Doorashadii ka dhacday Maraykanka ee musharaxiinta kala duwan ay loolanka ugu jireen ka mid noqoshada aqalka kongareeska ayaa dadka ku guuleystay waxaa ka mid ah Ilhaan Cumar.
Ilhaan cumar waa gabadh soomaaliyeed oo Maraykanka ku nooladay ugu yaraan 20 sano.
Waxay tarankaasi ku mataleysay xisbiga Dimuqaradiga si ay wakiil uga noqoto xaafadda shanaad ee Minnesota.
Sido kale waxay guul u soo hooyatay Rashida Tlaib oo ah gabadh dhalasho ahaan ka soo jeedo Falastiin hasa ahaate Maraykanka ku nool.
Labadan gabdhood ayaa noqday haweenkii ugu horeeyay ee muslimiin ah oo ku biiro aqalka Kongareeska.
Ilhaan Cumar ayaa la wareegi doontra xilii uu hayay Keith Ellison waxayna ballanqaaday inay si weyn ugu ololeyn doonto sido kalena ay garab siinayso dadka qaxootiga ah.
Sido kale Ilhaan Cumar ayaa doonaysa inay wax weyn ka bedesho adeegyada la xariira caafimaadka iyo waxbarashada ee xaafaddaasi.
Dhanka kale hoggaamiyaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo dhaweeyay guusha xisbigiisa uga soo hooyatay doorashada xilliga dhexe, gaar ahaan aqalka sare.
Mr. Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitarka ku sheegay in xisbigiisu uu gaaray guul wanaagsan isagoo taasi uga mahadceliyay shacabka wadankaasi ku nool.
Xisbiga Jamhuuriga ee uu ku soo galay Trump ayaa lagu soo waramayaa in uu helay aqlabiyadda uu u baahanyahay ee aqalka sare in kastoo looga badiyay aqalka wakiillada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *