Meydka qofkii shanaad oo laga helay dhismooyin ku burburay Faransiiska

Waxaa arrornimadii hore ee saaka la helay meydkii shanaad kadib markii toddobaadkan gudihiisa laba guri ay ku burbureen wadanka Faransiiska.
Arrintan ayaa waxaa xaqiijisay waaxda qaabilsan howlaha gurmadka ee magaalada Marseille.
Dhismayaashan ayaa burburay isniintii waxaana tan iyo xiligaasi socday dadaalada samata bixinta.
Maamulada magaaladaasi ayaa sheegaya inaysan weli ogaanin sababta ka dambeysay dhacdadaasi.
Shacabka halkaasi ku nool ayaa guriyaha dumay horay ugu tilmaamay kuwo xaaladoodu laga deyrinayay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *