Valverde oo ka hadlay sababat kulankii xalay uusan u ciyaarsiinin Lionel Messi

Tababaraha Barcelona Ernesto Valverde ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa ay kulan weyn la ciyaartay dhigooda Inter Milan.
Macalinkan ayaa sheegay inuu doorbiday inuusan halis galinin Lionel Messi sababo kala duwan dartood.
Kooxda Catalunya ayaa xalay xaqiiqsatay inay u soo gudubtay wareega 16-ka Champions League kaddib bar barihii 1-1 ay San Siro kula soo gashay kooxda reer Talyaani ee Inter Milan.
Tababarahan ayaa ciyaarta kadib wareysi uu bixiyay ku sheegay inay donayaan in wareega kale ay ugudbaan iyagoo hogaminaayo groupkooda.
“Waan ku qanacsanahay natiijada kulankan, sababtoo ah waxaan kusoo hor bandhignay qaab ciyaareed aad u fiican koox weyn ee aad u adag, waxaan xaqiijinay u gudbitaankeena wareega xiga waana arin muhiim ah”.
Macalinkan ayaa sidoo kale ku amaanay Suarez qaab ciyaareedkiisa wanagsan wuxuuna ku booriyay inuu sii wato qaab ciyaareedkaasi.
“Coutinho wuxuu isku dayay inuu qaado mas’uuliyad weyn, wuxuuna ahaa mid aad u firfircoon, laakiin wuxuu awoodi waayay inuu dhaliyo goolal ka dib dadaal badan”.
“Malcom taabashadiisa ugu horeesay wuxuu ku dhaliyay gool, waxaan ku faraxsanahay isaga iyo guushii aan gaarnay, wuxuu leeyahay lugta bidix ee adag”.
Valverde ayaa sheegay inay kaliya doonayeen in Messi uu tababarka kula sameeyo magaalada Milan madaama tababarka uu ka duwanyahay kulamada.
“Waan ogeyn in ciyaarta ay muhim tahay, laakiin waxaan doorbidnay xiliga uu dib u soo laabanayo Messi, sababtoo ah garoonka waxaa ka buuxay biyo, waana arin aan la xakameyn karin, sidaas darteed waxaan ka gaarnay go’aan isaga, kaasoo ah inaanan halis galinin”.
Ugu dambeyn barca ayaa ciyaartii ay xalay la dheeshay kooxda reer talyani ayaa waxay ku soo idlaatay barbaro min hal gool ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *