Amina Maxamad oo Faahfaahin ka Bixisay Geedisocodka Imtixaanada KCSE-da

Iyadoo maalinkii afaraad ay guud  ahaan dalka ka socdaan  imtixaanada qaran ee KCSE-da ayay maanta  wasiiradda  waxbarashada Amina Maxamad  qabatay shir jaraaid  oo ay arrimo dhowr ah kaga hadashay.

Waxay  Amina  shaaca ka qaadday in gacanta lagu dhigay  laba eedeysanayaal ah oo loo haysto inay  ka dambeyaan  isku dayada la xariira qishka.

Wasiiradda ayaa  hoosta ka xariiqday in labadaasi qof la soo qabtay shalay  oo la filayo in maanta maxkamada  ay ka soo hormuuqdaan.

Amina Maxamad ayaa ku nuuxnuuxsatay in dowladu ay ka go’antahay  la dagaalanka falalka xatooyada.

Waxay carrabka ku dhufatay in eedeysanayaasha ay  labadii sano ee la soo dhaafay ku howlanayeen  waxisdaba marinada ku aaddan imtixaanada qaran ee shahaadiga ah.

Sido kale wasiiradda ayaa shacabka kenyaanka ah u xaqiijisay in  ilaa iyo hadda aanan la soo tabin wax  xatooyo ah  oo ku saabsan  imtixaanada fasalka  afaraad  ee dugsiyada sare ee  KCSE-da.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *