Daroogo la Sheegay in loo Waday Shiinaha oo Lagu Qabtay Gagida JKIA

Ciidamada booliska ee dalka ayaa  gagida  caalamiga ee diyaaradaha ee  JKIA , magaaladatani Nairobi  ku qabtay  daroogo  ay ka mid tahay  nooca  loo yaqaano xashiishka.

Saraakiisha ammaanka ayaa  intaasi ku daray in  balwadda  lagu dhex qariyay  alaab  kale oo ay  ku jireen waxyaabaha  la isku qurxiyo.

Waaxda dembi baarista ee dalka ayaa  shaaca ka qaaday in maandooriyahan loo waday  wadamada Newzealand iyo Shiinaha.

Ciidamada dalka ayaa hadda  guda galay baaritaano  la doonayo in lagu  soo qabto cidii ka dambeysay falkaasi.

Daroogada la qabtay ayaa  qiimaheedu lagu qiyaasay malaayiin shilin .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *