Guddiga Badbaadada Wariyaasha ee CPJ oo Dalbaday in la Siidaayo laba Suxufiyiin ah oo ku Xiran Tanzania

Guddiga qaabilsan badbaadada  wariyaasha ee   CPJ   ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu  walaac ka muujinayo tallaabada  dowlada  Tanzania ay ku xirtay  laba  qof oo suxufiyiin ah.

Wariyaashan oo midkood ay u dhalatay Kenya ayaa lagu kala magacaabaa Angela Quintal  iyo  Muthoki Mumo.

Labaduba waxay ka mid ahayeen  shaqaalaha CPJ   galinkii dambe ee shalay ayaana laga qabtay maqaaxi ku taallo Tanzania ilaa iyo hadana ma cadda  halka lagu hayo.

Sarakiil sheegay inay  ka tirsanyihiin waaxda socdaalka ee wadankaasi ayaa ka  kaxeeyay hoteel ku yaallo magaalada  Dar-es-Salaam.

Ms. Mumo  ayaa   horay  ahayd  wakiil wareedka   arrimaha  ganacsiga ee  warbaahinta  Nation waxayna hadda   CPJ u qaabilsantahay  afrikada saxaraha  ka hooseysa   halka  Ms. Quintal  ay tahay  iskuduwaha barnaamijyada guddigan ee qaaradda  Afrika.

Qoraal  ka soo baxay CPJ ayaa lagu sheegay in sarakiisha ay labadan qof kala wareegeen baasabooradooda.

War saxaafadeed uu soo saaray agaasimaha  guud ee   guddigan  , Joel Simon   ayaa lagu sheegay  in suxufiyiinta si sharci darro ah loo haysto sidaasi awgeedna ay dowlada  Tanzania  ka  dalbanayaan inay xuriyooda dib ugu soo celiso.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *