Guddoomiyaha Degaanka Kamukunji oo ka Hadlay Suuqii shalay la Gubay

Sarkaalka ugu  sareeya ee dowlada dhexe u qaabilsan  degaanka Kamukunji  ee magaaladatani Nairobi  ,Moses Lilan ayaa sheegay  inuu jiro tuhun ah in shalay suuqa  Gikomba  si  ula kac ah loo gubay.

Waxaa uu intaasi ku daray inay weli raadinayaan eedeysanayaal lala xariiriyay  dhacdadaasi oo boqolaal ganacsato ah ay ku waayeen  hanti qiimaheedu lagu qiyaasay malaayiin shilin.

Waxaa uu Mr. Moses wacad ku maray in xabsiga  loo  taxaabi doono  dadkaasi  si  ugu dambeyn dacwad loogu soo oogo.

Hasa ahaate ma jirin cid  ku dhaawacantay ama ku dhimatay   dabka  xooggan ee  ka  kacay goobtaasi.

Hay’adda laanqeerta cas  laanteeda Kenya ayaa  qoraal ay soo dhigtay  barta twitarka ku sheegtay inay qiimeyn ku sameynayso xaaladdasi.

Qaar ka mid ah ganacsatada suuqa Gikomba  ayaa  su’aal geliyay sababta  dowlada aynan ugu guuleysan inay xal waara u hesho dabka ku soo noqnoqday halkaasi.

Bishii lixaad ee sannadkan ayay ahayd markii 15 qof ay ku dhinteen  dab ka kacay suuqa Gikomba   halka ugu yaraan 60 kalena ay ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha dalka ayaa sannad ka hor  amray  in baaritaano la sameeyo kadib markii  9 bilood gudahood la soo tabiyay  laba dhacdo oo uu dab ku burburiyay hantidii suuqaasi taalay

Dhawaan ayay ahayd markii    xoghayaha  wasaaradda  guriyeynta Charles Hinga uu xariga ka jaray barnaamij  dib loogu dhisayo suuqa Gikomba si looga dhigo mid  casri ah.

Wajiga koowaad ee barnaamijkan  ayay dowladu  ku  qarash  gelinaysa 485  milyan oo shilin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *