Ugu Yaraan 47 Qof oo ku Dhimatay Shil ka Dhacay Zimbabwe

Wararka naga soo gaaraya dalka  Zimbabwe ayaa sheegaya in ugu yaraan  47 qof ay dhinteen kadib markii ay isku dhaceen laba bas.

Warbaahinta  maxaliga ee dalkaasi ayaa  ku warameysa in shilku uu ka dhacay  dhinaca koonfureed.

Mid ka mid ah basaska  ayaa ka soo ambabaxay  magaalada bari ee  Mutare  wuxuuna ku wajahnaa  caasimadda Harare  halka mid kalena  uu  ka hor yimid.

Warbaahinta dowlada  Zimbabwe    ee ZBC ayaa  baahisay in shilka basaska uu ka dhacay  magaalada  Rusape.

Afhayeenka booliska  dalkaasi Paul Nyathi ayaa xaqiijiyay  khasaaraha ka dhashay  shilkaasi.

Waxaa uu intaasi ku daray in rakaab kale oo dhowr ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Wargeyska  The Herald ayaa qoraya in  dadka dhintay   ay  ka mid yihiin   2 carruur ah.

Wasiirka  wasaaradda gaadiidka ee  Zimbabwe, Biggie Matiza ayaa  sheegay in dhacdadaasi ay murugo weyn ku reebtay.

Bishii lixaad ee sannadkii 2017-kii ayay ahayd markii  43 qof ay ku dhinteen halka  24 kalena ay ku dhaawacmeen shil ka dhacay  wadankaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *