200 oo xabaal-wadareed ah oo laga helay Itoobiya

Wararka naga soo gaaraya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in boolisku ay ilaa iyo 200 oo xabaal- wadareed ah ku arkeen meel u dhow xadka ay wadaganaa gobolada Oromia iyo midka soomaalida.
Waxaa degaanadaasi muddo hal sano ah oo la soo dhaafay guriyahooda ka barakacay boqolaal kun oo qof.
Warbaahinta maxaliga ee Itoobiya ayaa ku warameysa in xabaal-wadareedyada la helay xili baaritaano lagu sameynayay xadgudubyo maamulkii madaxweynihii hore ee dowlad degaanka soomaalida, Cabdi maxamuud Cumar lagu eedeyay inuu geystay.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo ay jiraan warar soo baxaya oo sheegaya in Cabdi Maxamuud Cumar maanta mar kale maxkamad la soo taagayo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *