Dad badan oo ku dhintay qaraxyo galabta ka dhacay Muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qaraxyo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan lambar 4 Sidda ay warbaahinta u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ammaanka Somalia.
3 Qarax oo loo adeegsaday gawaari ayaa ka dhacay wadada u dhaxeysa Hoteel Saxafi iyo Xarunta CID-da ee Magaalada Muqdisho.
Wakaalada wararka Reuters ayaa qoraysaa in qaraxaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 17 qof halka ay dad badan ku dhaawacmeen.
Wakaladaasi ayaa dhimashada intaasi sida ay sheegeen waxaa ay ka soo xigteen sarkaal ka tirsan ciidamada booliska ee dalka Somalia
Dhimashada ayaa intaasi ka sii badan karto
Wixi warar ah ee ku soo kordhaa insha Allah wararkayaga xigaa ayaad ku maqli doontaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *