Darasaad lagu ogaaday in la dagaalanka argagixisada ee Maraykanka lagu dilay nus milyuun qof

Darasaad cusub oo la soo saaray ayaa lagu sheegay in howlgalada uu fuliyay Maraykanka ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada ay ku dhinteen ugu yaraan 500,000 oo qof oo ku noolaa wadamada Afghanistan, Ciraaq iyo Pakistan.
Howlgaladan ayay xukuumadda Washington wadday tan iyo 11-kii bishii sagalaad ee 2001-kii.
Warbixintan ayaa waxa soo saartay jaamacadda Brown ee Maraykanka waxaana tirada dadka ee la dilay lagu sheegay inay u dhexeyso 480,000 ilaa iyo 507,000 oo qof.
Waxaa gudaha dalka Ciraaq lagu dilay shacab ay tiradoodu u dhexeysa 182,272 iyo 204,575 , Afghanistan dadkaasi ayaa gaaraya 38,480 halka midda Pakistan lagu sheegay 23,372 oo qof.
Dhanka kale dalalka Ciraaq iyo Afghanistan ayaa lagu dilay ku dhawaad 7,000 oo ka mid ah ciidamada Maraykanka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *