Dowlada oo loo ogolaaday inay xaafadda Shauri Moyo ka dhisto 7,000 oo guriyo ah

Dowlada ismaamulka Nairobi ayay maxkamadu u fasaxday inay xaafadda Shauri Moyo ka hirgeliso ilaa iyo 7000 oo guri.
Arrintan ayaa timid kadib markii maxkamada sare ee dalka ay daaqada ka tuurtay kiis qorshahan looga soo horjeeday.
Garsoore Wilfrida Okwany ayaa sheegtay inaan la soo hor dhigin cadeeymo wax ku ool ah oo loo cuskan karo in ismaamulka Nairobi laga hor istaago qorshaha dhanka guriyeynta.
Ilaa iyo 300 oo ka mid ah shacabka xaafadaasi ku nool ayaa ku doodayay inaysan heli Karin hooy kale hasa ahaate lagama ogolaan.
Qorshayaasha ugu waweyn ee maamulka talada haya ee jubilee oo uu basaraabka Nairobi Mike Sonko sheegay inuu dowlada garab ku siin doono ayaa waxaa ka mid ah in la dhiso guriyo taya ahaan wanaagsan , qiimo ay dadweynaha awoodaana lagu degi karo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *