Kulan u dhexeya dowlada Afghanistan iyo Taliban oo ka furmay Ruushka

Waxaa maanta magaalada Moscow ee dalka Ruushka ka furmay wareeggii labaad ee wadahadalada lagu heshisiinayo dowlada Afghanistan iyo kooxda Taliban ee ka soo horjeedda.
Kulankan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee heer sare ah oo ay labada dhinac si fool ka fool ah u wada hadlayaan.
Shirkaasi waxaa ka qeyb galaya ku xigeenada wasiiradda arrimaha dibadda iyo wakiilo gaar ah.
Wasirika arrimaha dibadda ee Ruushka , Sergey Lavrov oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in ujeedada shirka ay tahay sidii nabad buuxda loogu soo dabbaali lahaa Afghanistan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *