Madaxweynaha dalka oo mar kale sheegay in ciidamada KDF-ta aynan ka soo baxeynin Soomaaliya

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa mar kale carrabka ku dhuftay in ciidamada difaaca wadanka ee KDF-ta ay sii joogayaan gudaha Soomaaliya ilaa iyo inta looga soo dabbaalayo xasilooni buuxda.
Militariga dalka ayuu Mr. Kenyatta ku ammaanay in howlihiisa shaqo uu ka dhigay kuwo casriyeysan si loola tacaalo caqabadha dhanka amniga ah.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in ciidamada laga doonayo inay si joogta ah u qaataan tababaro sii xoojin karo la dagaalanka cadowga.
Madaxweynaha oo hadalkan jeediyay xili uu ku sugnaa magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ayaa sheegay in dhibaatooyinka argagixiso loo baahanyahay in shacabka laga badbaadiyo.
Dadweynaha ayuu ku booriyay inay dowlada garab ku siiyaan ka hor tagga iyo xal u helidda falalka amni darro.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *