Maraykanka oo xayiraad ku soo rogay shakhsiyaad u dhashay Ruushka

Maraykanka ayaa lagu soo waramayaa inuu xayiraado dheeraad ah ku soo rogay dhowr shakhsi iyo ururro lala xiriirinayo tallaabadii Ruushku uu u goostay gobolka Crimea sanadkii 2014.
Waxaa xayiraadahan lagu bartilmaameedsaday laba qof oo reer Ukraine ah iyo mid Ruushka u dhashay .
Sidoo kale sagaal shirkadood oo kale oo laga leeyahay waddamada Ruushka iyo Ukraine ayaa iyana xayiraado lagu soo rogay.
Shirkadahaasi waxaa ka mid ah hoteel uu maalgeliyay bangiga ugu weyn dalka Ruushka.
Mareykanka ayaa tallaabooyinkan u aaneeyay inusan marnaba aqbali doonin qabsashadii Ruushka ee Crimea.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *