Mid ka mid ah waxgaradka Wajeer oo baaq nabadeed ka soo saaray iskudhacyo la soo tabiyay

Suldaan Cabdullahi maxamad ismaaciil oo ka mid ah odayaasha ismaamulka Wajeer ayaa bulshada walaalaha ah ee ku nool galbeedka dowlad degaankasi ugu baaqay inay nabadda ku dadalaan.
Waxaa uu kula taliyay inay si deggan u wada qeybsadaan kheyraadka dhanka biyaha iyo daaqa ah.
Sido kale ugaaska ayaa intaasi ku daray inay halkaasi u direen wufuud nabadeed si ay u kala dhexdhexaadiyaan qoysaska ay dirirtu dhexmartay.
Laamaha ammaanka ayuu ugu baaqay inay tallaabo degdeg ah qaadaan si looga hor tago inay mar kale soo noqdaan iskudhacyada ay saameynt ka dhalato.

Maalmo ka hor ayuu taliyaha booliska ee Wajeer , Stephen Ng’etich xaqiijiyay inuu hal qof ku dhintay halka laba kalena ay ka soo gaareen dhaawacyo culus , isku dhacyo dhexmaray laba beelood oo walaal ah.
Waxaa uu carrabka ku adhuftay in degaankaasi loo diray ciidamo dheeraad ah oo amniga sugaya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *