Qaar ka mid ah ismaamulada dalka oo lagu eedeyay inay ku takriifaleen lacago loo qoondeeyay

Hanti dhowraha guud ee dalka ,Edward Ouko ayaa sheegay inay jiraan maamul goboleedyo si aanan habbooneyn u isticmaalay ballaayiin shilin oo loogu qoondeeyay miisaaniyad sannadeedkii hore.
Lacagahan ayaa lagu bixiyay qaab sharci darro ah oo ay ka mid tahay in lagu qarash geliyay mashaariic been abuur ah ama kuwo uu hakad ku yimid.
Tusaale warbixinta Ouko ayaa muujinaysa in ismaamulka Nairobi uu garyaqaanna siiyay 600 oo milyan in kastoo aanan la faahfaahin heerka ay gaarsiisantahay shaqooyinka ay shirkadahaasi qabteen.
Sido kale maamulka caasimadda dalka ayaa sheegay in lacag dhan 344. 8 milyan la siiyay 19 shirkadooda oo nadaafadda ka shaqeeyay.
Sido kale waxyaabaha warbixintaasi ku xusan waxaa ka mid ah in ku xigeenka barasaabka Nyamira uu Maraykanka u tagay aqoon kororsi ku aaddan qalabka dab damiska taasina ay ku baxday 984,000 oo shilin.
Waxaanan shaqeynin qalab caafimaad oo maamul goboleedka uu ku soo iibsaday 132.8 milyan oo shilin.
Dhanka kale senetarada aqalka sare ee dalka aya u yeeray guddoomiyaasha , afhayeenada iyo madaxda kale ee golayaasha hoose ee ismaamul gaaraya 5 oo isqabqabsi laga soo tabiyay kuwaaso kala ah Homa Bay, Nairobi, Kakamega, Nyandarua iyo Kisumu.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *