Waxaa isa soo taraya baaqya nabadeed

Waxaa isa soo taraya baaqyada nabadeed ee ay jeedinayaan culimaaudiinka, waxgaradka iyo ganacsatada Wajeer ee ku aaddan iskudhacyo dhawaan laga soo tabiyay galbeedka ismaamulkaasi sida uu ku soo waramayo Cabdiraxman Mucaawiye

Sido kale waxaa idaacadda Star FM la soo xariiray Suldaan Cabdullahi maxamad ismaaciil oo ka mid ah odayaasha Wajeer wuxuuna bulshada walaalaha ah ee ku nool galbeedka dowlad degaankasi ugu baaqay inay nabadda ku dadalaan.
Waxaa uu kula taliyay inay si deggan u wada qeybsadaan kheyraadka dhanka biyaha iyo daaqa ah.
Sido kale ugaaska ayaa intaasi ku daray inay halkaasi u direen wufuud nabadeed si ay u kala dhexdhexaadiyaan qoysaska ay dirirtu dhexmartay.
Cod

Maalmo ka hor ayuu taliyaha booliska ee Wajeer , Stephen Ng’etich xaqiijiyay inuu hal qof ku dhintay halka laba kalena ay ka soo gaareen dhaawacyo culus , isku dhacyo dhexmaray laba beelood oo walaal ah.
Waxaa uu carrabka ku adhuftay in degaankaasi loo diray ciidamo dheeraad ah oo amniga sugaya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *