Guddomiyaha golaha shacabka oo cambareeyay qaraxyadi shala ka dhacay magalada Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa cambaareeyay weerarkii argagixisinimo ee ka dhacay Isgoyska Km4 gaar ahaan hotelka Saxafi ee Magaaladda Muqdisho,Isagoo tacsi u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in kooxdan ay caadeysatay dhiiga Shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ay mar walba beegsadaan dadka aan waxba galabsan sidoo kalena ay beegsadaan goobaha ay dadka isugu yimaadaan.
Guddoomiyaha Golaha ayaa aad u amaanay ciidanka Amaanka Qaranka oo mar walba naftooda u huraya badnaadinta dadka Soomaaliyeed iyo ka hortaga dhagarta kooxaha aragagixisada ah.
Dhinaca Kale Afayeenka xoghayaha QM Farhan Haq ayaa sheegay in Xoghaayaha guud ee Qaramada Midoowe Anntonio Guteres ka tacsiyeeyay dadkii soomaaliyeed ee ku dhintay iyo kuwii ku waxyeeloobay weerarkaasi waxa uuna sheegay in QM ay dowladda dhexe ee soomaaliya kala shaqeyn doonto la dagaalanka waxa uu ku tilmaamay kooxda argagixisada ah ee shabaab sida uu sheegay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *