Dacwad ka dhan ah talllaabadii lagu kala diray baarlamaanka Sri Lanka oo maxkamada la geynayo

Xisbiga UNP ee uu hoggaaminayay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Sri Lanka Ranil Wickremesinghe ,ee dhawaan shaqada laga ceyriyay ayaa sheegay inuu maxkamada u gudbin doono cabasho tallaabadaasi ka dhan ah.
Wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii ra’iisul wasaare Ranil Wickremesinghe ,Mangala Samaraweera ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Go’aankii madaxweyne Maithripala Sirisena uu baarlamaanka ku kala diray ayaa waxaa ka dhashay isqabqabsi iyo muran siyaasadeed.
Sido kale qaar ka mid ah madaxda wadamada caalamka ayaa dhaliilay hoggaanka ugu sareeya ee dalkaasi.
Madaxweynaha dalkaasi Mr. Sirisena ayaa shaaciyay in doorasho hor leh ay dhaceyso 5-ta bisha jannaayo ee sannadka 2019-ka.
Laba toddobaad ka hor ayay ahayd markii uu xilka ra’iisul wasaaranimo u soo magacaabay Mahinda Rajapaksa oo horay dalkaasi u soo hoggaamiyay.
14-ka bishan ayaa lagu wada inuu dib u fariisto baarlamaanka Sri Lanka hasa ahaate madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in markii hore hakad la geliyay howlaha golaha sharci dejinta balse hadda si rasmi ah loo jebiyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *