Tirada dadka u dhintay Ebola ee dalka DRC oo badatay

Waxaa sara u sii kacday tirada dadka ee uu cudurka Ebola nooloshoodu ku galaaftay jamhuuriyadda dimuqaradiyadda Kongo ee DRC iyadoo ilaa iyo hadda gaartay 200 oo qof.
Sarakiisha caafimaadka ayaa sheegaya in wadankaasi uu wajahayo xaaladii ugu sareysay ee dhanka cudurkaasi ah.
Wasiirka caafimaadka ee DRC Oly Ilunga Kalenga, ayaa sheegay in waqooyiga gobolka Kivu iyo Ituri laga soo tabiyay 319 oo kiisas ah kuwaasi la xaqiijiyay inay la xariiraan Ebola.
Tiradan ayaa ka badan midii la diiwaangeliyay sannadii 1976-dii oo ahayd 318 kiis.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray inay kooxo hubeysan ay dhibaato ku hayaan kooxaha caafimaadka ee la tacaalayo bukaanada uu ku dhacay cudurka Ebola .
Ilaa iyo hadda waxaa tallaal ka dhan ah xanuunkan qaatay in ka badan 27,000 oo qof.
Waa markii tobbonaad tan iyo 1976-dii oo uu cudurka Ebola ku dhuftay Kongo.
Madaxa ha’yadda caafimaadka adduunka WHO, Tedros Adhanom ayaa isbuuc ka hor sheegey in ammni darrada ka taagan qaybo kamid ah dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ay noqotay caqabadda ugu wayn ee hortaagan xakameynta iyo la tacaalidda cudurka Ebola.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *