DEG DEG: Gavanaha ismaamulka Migori ayaa mar kale xabsiga loo taxaabay

DEG DEG: gudoomiyaha ismaamulka Migori ayaa mar kale xabsiga loo taxaabay kadib markii gurigiisa Nairobi laga helay 8 hub oo rasaas ah.

Shaley ayay ahayd markii Saraakiisha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka  musuqmaasuqa ee EACC  ay  howlgalo  ka fuliyeen   guriyo barasaabka   Migori  ,Okoth Obado uu ku leeyahay magaalooyinka Nairobi iyo Migori.

Baaritaanada ayaa  ku saabsan  lacago  Mr. Obado lagu eedeyay inuu lunsaday.

Hawlgalkaasi lagu fuliyay guriyaha gudoomiyaha Migori ayaa looga gol-lahaa dokumeentiyo muhiim ah oo la doonayey in baaritaano lagu sameeyo.

Mr. Obado  ayaa  lagu eedeyay in si aanan habbooneyn uu u  isticmaalay in ka badan  2 bilyan oo shilin.

Guddiga EACC ayaa sheegay in qeyb ka mid ah dhaqaalahaasi  lagu wareejiyay akoontiyada bangiyeed ee ehelada Obado ay ku leeyihiin  gudaha iyo dibadda dalka

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *