Falal dambiyeedyada nacaybka ku saleysan ee Maraykanka oo boqolkiba 17 sara u kacay

Waaxda dembi baarista ee Maraykanka ee FBI-da ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in sannadkii la soo dhaafay boqolkiba 17 ay sara u kaceen falalka ku saleysan nacaybka.
Tiradan ayaa ah midii ugu badnayd ee la soo tabiyo in ka badan 10 sano.
FBI ayaa diiwaangelisay 7,175 oo ah dembiyada la geysto ee ku saleysan nacaybka kuwaaso ugu yaraan 15 ka mid ah ay dilal ka dhasheen.
Ku dhawaad boqolkiba 60 dadka dhibaatooyinkaasi geystay waxay dhibanayaasha ku bartilmaameedsadeen isirkooda iyo midibkooda iyadoo shantii qof ee la dhibaateeyay mid ka mid ah lagu bartilmaameedsaday diintiisa.
Sido kale boqolkiba 15.8 ayay dhibaato soo gaartay iyadoo la eegayo jinsiyadooda.
In ka badan 4,000 oo kiisaskan ka mid ah ayaa ka dhan ahaa shakhsiyaad halka 3,000 lagu burburiyay ama la dhacay hanti.
Ku simaha xeer ilaaliyaha Maraykanka ,Matthew G Whitaker ayaa waxyaabaha lagu xusay warbixinta ku tilmaamay kuwo u baahan in tallaabo degdeg ah la qaado.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *