Guddoomiyaha Migori oo Maxkamad la soo Taagay

Waxaa maanta mar kale maxkamad  la soo taagay  barasaabka  ismaamulka  Migori Mr.  Okoth Obado kadib markii shalay  la sheegay in gurigiisa laga helay  hub.

Sarakiisha guddiga anshaxa iyo  la dagaalanka musuqmaasuqa ee  EACC oo howlgalo ka fuliyay guriyaha  mas’uulkan uu ku leeyahay magaalooyinka  Nairobi iyo Migori ayaa sheegay inay soo helaan  8 qoriyaha   rasaasta ah.

Galinkii dambe ee shalay ayaa gacanta lagu dhigay  waxaana  loo sii qaaday saldhiga booliska Gigiri

Baaritaanada la sameeyay oo lagu raadinayay dokumeentiyo muhiim ah   ayaa  ku saabsan  lacago  Mr. Obado lagu eedeyay inuu lunsaday.

Mr. Obado  ayaa  lagu eedeyay in si aanan habbooneyn uu u  isticmaalay in ka badan  2 bilyan oo shilin.

Guddiga EACC ayaa sheegay in qeyb ka mid ah dhaqaalahaasi  lagu wareejiyay akoontiyada bangiyeed ee ehelada Obado ay ku leeyihiin  gudaha iyo dibadda dalka

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *