Dibadbaxyo lagu doonayo inuu Netanyahu iscasilo oo ka dhacay Israa’iil

Boqolaal ka mid ah shacabka Israa’iil ayaa dhigay mudaaharadyo ay ku doonayaan inuu iscasilo ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.
Waxay ku dhaliileen inuu ansaxiyay xabad joojin ka dhaqangasha marinka Qaza ee Falasyiin.
Dibadbaxyada oo ay isugu soo baxeen ilaa iyo 400 oo qof oo xiray wadooyinka halbowlaha u ah magaaladaasi ayaa ka dhacay Tel Aviv
Dadka mudaaharaadka dhigayay ayaa sheegay in hoggaanka Israa’iil uu ku fashilmay ilaalinta danaha iyo badbaadada yahuudda.
Maalinkii arbacada ayay ahayd markii boqolaal qof oo Israa’iiliyiin ah ay dibadbaxyo ka sameyeen afaafka hore ee xarunta baarlamaanka .
Ugu yaraan 14 falastiiniyiin ah ayaa dhanka kale axaddii lagu dilay Qaza halka hal sarkaal oo ka mid ah ciidamada Israaiil isna laga takhalusay mid kalena uu dhaawac soo gaaray.
Xaaladii cakirneyd ee bilooyinkii ugu dambeeyay ka taagneyd marinka Qaza ee Falastiin ayaa la dejiyay tan iyo maalinkii tallaadada kadib markii uu dhaqangalay heshiis la xariira xabad joojin oo ay Masar dhex dhigtay Israa’iil iyo kooxaha iskacaabinaya ee Qaza.
Tan iyo sannadkii 2006-dii Israa’iil ayaa Qaza ku haysay xayiraad dhanka hawada, badda iyo dhulka ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *