Maraykanka oo xayiraad saaray 17 sarkaal oo lala xariiriyay dilkii wariye Jamal Khashoggi

Wasaaradda maaliyadda ee Maraykanka ayaa xayiraad ku soo rogtay 17 sarkaal oo Sacuudiyiin ah kadib markii lagu eedeyay dilkii loo geystay wariye Jamal Khashoggi .
Suxufigan ayaa faalooyin ku qori jiray wargeyska ka soo baxa Maraykanka ee The Wshington Post waxaana la waayay 2-dii bishii hore.
Mr. Khashoggii oo si weyn u dhaliili jiray hoggaanka boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xiligaasi gudaha u galay qunsuliyadda xukuumada Riyaadh ay ku leedahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Xayiraaddan ka dhanka ah sarakiisha ayaa noqonaysa ficil celintii ugu horeysay ee uu Maraykanku qaado ee ku saabsan dhacdada dhalisay cambaareyn caalami ah.
Dowlado uu Turkigu ka mid yahay ayaa boqortooyada ku dhaliilay inay Jamal dishay hasa ahaate waxay sheegtay inuu ku dhintay dagaal ka dhex qarxay gudaha qunsuliyadda.
Dadka cunaqabateynta la saaray waxaa ka mid ah Saud al-Qahtani, oo horay u ahaa kaaliyaha ugu sareeya ee dhaxalsugaha Maxamad bin Salman iyo sido kale Maxamad Alotaibi oo ah qunsulka ugu sareeya Sacuudiga ee Turkiga iyo 15 xubnood oo uu Turkigu eedeyay.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa xayiraadda ku tilmaamay walaabo wanaagsan oo horay loo qaaday.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *