16 kaluumeysata Tanzanian ah oo loo xiray inay si sharci daro uga kaluumeysanayeen ismaamulkak migori.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa xiray ugu yaraan 16 kaluumeysata oo u dhashay wadanka Tanzania kuwasoo lagu eedeyay inay si sharci daro dalka ku soo galeen ayna isticmaalayeen qalab kaluumeysi sharci daro ah.
Dadkan ayaa laga soo qabtay xeebaha harada victoria oo u dhaw Bamgot beach ee ismaamulka Migori.
Dadkan ajaanibta ah ayaa loo qaaday saldhiga booliska ee Macalder halkaas oo lagu xiray balse doomohoodii ayaa looga soo tagay Bamgot.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Migori Joseph Nthenge ayaa sheegay in eedeysanayaashu la soo taagi doono maxkamad islamarka ay baaritaanada soo gabagaboobaan.
Kaluumeysatada Kenyanka ee xeebaha harada Victoria ayaa sidoo kale iyaguna la xiray laguna soo oogoy dacwad, waxaan dacwadaasi ku soo oogoy mas’uuliyiinta Tanzania iyo Uganda.
Kaluumeysatada ka soo jeeda seddexdan dal ayaa ku andacoonaaya in xeebaha harada Victoria lagu dajiyo calaamad gaduud ah si ay u ogadaan meesha ay xuduuda tahay.
Xiritaankan ayaa imanaya isbuuc uun kadib markii 36 kaluumeysata kenyaan ah ay xireen dacwadna ku soo oogeen mas’uliyiinta Tanzania kuwasoo lagu soo eedeeyay kaluumeysi sharci daro ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *