Ciidamo cusub oo loo tababarayo sugidda ammaanka Muqdisho

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay tagay dhowr xerooyin oo ay tababaro ku qaadanayaan ciidamo la doonayo inay la wareegaan sugidda ammaanka magaalada Muqdisho.
Waxaa booqashadaasi ku wehelinayay saraakiil ka tirsan ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.
Xassan Cali Kheyre ayaa kormeerkiisa ku soo gabagabeeyay xerada Booliska General Kaahiye halkaasi oo uu kula kulmay Ciidamo Boolis ah oo tababar u socdo.
Waxaa uu u kuurgalayay heerka tababarka ee ay ciidamadu qaadanayaan iyo tiro ahaan inay yihiin kuwo howshaasi kadib ku filnaan karo la wareegidda amniga caasimadda Soomaaliya.
Waxaa uu ciidamada ku dhiirageliyay in ay ka soo dhalaalaan ama ay ka dhabeyaan dhaqangelinta tababarka ay qaadanaayaan.
Xoghayaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay kormeerka uu Ra’iisul wasaaraha ku tagay xerooyinkaasi

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *