Dowlada soomaaliya oo soo dhaweysay baaritaanada Sacuudiga ee dilkii wariye Khashoggi

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhoweyay baaritaanka ay ku dhawaaqday waaxda Xeer ilaalinta guud ee boqortooyada Sacuudi Carabiya .
Baaritaanadaasi ayaa ku aaddan arrinta suxufigii lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudigu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga , Jamal Khashoggi.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay soo dhoweyneyso baaritaanka ay ku dhawaaqday Xeer ilaalinta guud ee sida uu qoraalku xusayo dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, kaas oo lagu xog-wareystay dadka u xirxiran dilka muwaadinka Sucuudiga Jamal Khashoggi.
Sido kale Soomaaliya ayaa sheegtay inay baaritaanada u aragto tallaabo loo qaaday dhanka wanaagsan si daaha looga qaado xaqiiqda dhabta ah ee ku saabsan xaaladaha kiiska

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *