In ka badan 200 oo gabdhood oo laga soo badbaadiyay guurka xili hore

Ugu yaraan 200 oo ka mid ah gabdhaha ku nool ismaamulka Kajiado ayaa laga soo badbaadiyay in iyagoo aanan qaangaarin rag loo guuriyo.
66 ka mid ah gabdhahan ayaa sannadkan isku diiwangeliyay inay u fariistaan imtixaankii fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee dhamaaday ee KCPE-da iyo midka hadda socdo ee KCSE-da balse waaba la guursaday.
Waxaa xarumo kala duwan imtixaanada ku sameeyay 7 ka mid ah 34 gabdhood oo uur qaaday.
Guddoomiyaha dowlada dhexe u qaabilsan maamul goboleedka Kajiado ,Yatich Kipkemei ayaa waalidiinta uga digay inay xili hore ragga u guuriyaan gabdhaha dugsiyada ku jira.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo wasiiradda wasaaradda waxbarashada ee dalka Amina Maxamad ay sheegtay in dowlada ay soo bandhigi doonto xeerar lagula tacaalayo gabdhaha tirada badan ee uurka leh ama qaar ka mid ah ay umulaan xiliga imtixaanada shahaadiga ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *