Maraykanka oo laba maalmood gudahood ku shaacin doono cidii dishay Jamal Khashoggi

Madaxweynaha Maraykanka ,Donald Trump ayaa sheegay in maamulkiisa uu labada maalmood ee nagu soo aaddan soo bandhigi doono warbixin dhameystiran oo ku aaddan falkaasi.
Mr. Trump ayaa warfidiyeenada u sheegay in waxyaabaha shaaca laga qaadi doono ay ka mid tahay cidii dishay Jamal Khashoggi.
Jamal Khashoggi ayaa la waayay 2-dii bishii hore xiligaasi oo uu gudaha u galay qunsuliyadda xukuumada Riyaadh ee magaalada Istanbul.
Hasa ahaate waxaa dilkaasi ka dhalatay caqabad hor leh oo soo foodsaartay Maraykanka maadaama uu doonayo in boqortooyada lagula xisaabtamo arrinkaasi dhanka kalena uu xariir wanaagsan kala sii dhaxeeyo.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo waaxda sirdoonka Maraykanka ee CIA-da ay sheegtay in la soo gabagabeeyay baaritaanada sidaasi awgeedna la ogaaday in amarkii looga takhalusay wariyaha uu bixiyay dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamad bin Salman.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *