Shir heer Caalami ah oo ku saabsan Ganacsiga oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maaanta magaalada Muqdisho ka furmay shir heer caalami ah oo looga hadlayo ganacsiga Soomaaliya.
Sido kale waxaa la eegaya horumarada dhaqaale ee dalka soomaaliya waxaana ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.
Sido kale waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin matalaya Shirkadaha Ganacsiga Caalamiga ah, kuwa Maxaliga ah iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka hadlay shirka Ganacsiga ayaa bogaadiyay Dowladda Turkiga iyo sidoo kale wadamada Reer Galbeedka ee Soomaaliya ka taageera dhanka dhaqaalaha.
Waxa uu bilaawga shirka ka sheegay Wasiir Maareeye in la joogo xiligii Soomaaliya la maalgashan lahaa isagoo shirkadaha caalamiga ah ugu baaqay in ay kusoo dhiiradaan maalgashiga Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa ganacsatada soomaaliyeed ku amaanay qaabka ay canshuuraha u bixiyaan.
Sido kale waxaa uu soo jeediyay in laga run sheego xaaladaha dhabta ah ee ka taagan soomaaliya sido kalena qiimeyn lagu sameeyo burburka dhacay ku dhawaad 30 sano

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *