Waaxda DCI-da oo baaritaano ku haysa ajaaniib la qabtay

Waaxda dembi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ah ee Twitarka ku sheegtay inay sameynayso baaritaano ku aadan eedeysanayaal la qabtay oo ajaaniib ah.
Dadkan iyaga ah oo isugu jiro muwaadiniin u dhashay wadamo kala duwan ayaa lagu sheegay inay tahriibayaal yihiin.
Eedeysanayaasha dhawaan gacanta lagu dhigay ayaa tiro ahaan dhan 79 waxayna isugu jiraan 75 dhalasho ahaan ka soo jeedo Comoros ,3 Ugandhiisa ah iyo qof kale oo Congoliis ah waxaana laga qabqabtay xaafadda Mlango Kubwa oo ka tirsan degaan baarlamaneedka Starehe ee magaaladatani Nairobi.
Booliska ayaa sheegay in dadkan oo ay da’dooda u dhexeyso 19 ilaa iyo 45 sano hadda xabsiyada lagu hayo.
Qoraal kale oo ay soo saartay waaxda DCI-da ayaa lagu sheegay in warbixino laga helay dadweynaha ay suurageliyeen in xaafado kala duwan oo ku yaalla Nairobi laga qabto ajaaniib dhan 90 waxayna isugu jiraan 86 u dhashay Comoros ,3 ka soo jeedo Ugandha iyo hal qof oo soomaali ah.
Dhanka kale waxaa xabsiga loo taxaabay 4 qof oo lagu eedeyay inay fureen shabakad ama website ay isu egyihiin midka sanduuqa lacagaha ee Uwezo.
Dadkan ayaa loo haystaa inay isticmaalayeen magaca marwada koowaad ee dalka Mrs. Margaret Kenyatta .
Waaxda dembi baarista ayaa sheegtay in eedeysanayaashan ay malaayiin shilin ka dhaceen dad qarashaad ku bixiyay in la siiyo lacago amaah ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *