400 oo qof oo ku dhaawacmay mudaaharaad ka dhacay Faransiiska

Wararka naga soo gaaraya dalka Faransiiska ayaa sheegaya inay dhaawacyo soo gaareen ilaa iyo 400 oo qof kadib markii uu dhacay dibadbax looga soo horjeedo qiimaha shidaalka ee wadankaasi.
Mudaharaadka ayay dadweynaha ku muujinayaan sida ay uga xunyihiin sara u kaca ku yimid qiimaha shidaalka.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday in su’aalo la weydiiyay ku dhawaad 300 oo qof oo mudaaharaadyada ka qeyb qaatay halka 157 ka mid ahna saldhigyo booliis la dhigay.
Waxaa dibadbaxyada oo soo bilowday sabtidii isugu soo baxay ilaa iyo 288,000 oo ruux .
Dadka mudaaharaadka dhigayay ayaa madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ku eedeeyay in uusan wax xiriir ah la soo samaynin sido kalena uunan weli ka hadli dhibaatooyinka wadankaasi ka taagan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *