Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulanka yeelanaya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka fedraalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxay kulan ku yeelanaya xaruntooda Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada ayaa xalay lagu wargeliyay in isniinta Maanta ah uu jiro kulanka Golaha Shacabka,lagana doonayo in waqtigii caadiga aha ay ku soo xaadiraan xaruntooda si loo guda galo ajandaha baarlamaanka.
Ajendaha kulanka baarlamaanka Soomaaliya ee Maanta ayaa ah dhagaysiga warbixinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo aqrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka mashruuca liilitirka.
Xildhibaanada golaha shacbiga Soomaaliya ayaa Sabtidii la soo dhaafay Wasiirka Maaliyaddu horkeenay Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2019,balse Xildhibaanada ay sheegeen inaysan ansixin doonin miisaaniyadaas ilaa uu Wasiirku u soo gudbiyo gabagabadii Miisaaniyaddii Dowladda ee Sanadkii 2017.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaa weli horyaalla ajendayaal dhowr ah kuwaas oo laga doonayo in Xildhibaanada ay ka doodaan kadiba meel mariyaan ama ay dib u soo celiyaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *