DHAGEYSO Cali Maxamed Geedi oo ku baaqay in la xaliyo khilaafka madaxda Soomaalida.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay khilaafka sii daba dheeraaday ee ka dhex jira madaxda dowlada Fedraalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah.
Waxa uu tilmaamay in labada dhinacba ay masuuliyada weyn ka saaran tahay ilaalinta sharuucda dalka u degsan sidoo kalena wuxuu xusay in dowladda dhexe laga doonayay inay tanaasul u muujinin maamul goboleedyadda markii uu yimid Khilaafka si waxwalba loo xaliyo loogana hortago khilaafka ugu danbayntii keeni kara dib u dhac ama burbur.
Madaxda maamul goboleedyada ayuu dhankooda sheegay inay masuuliyada ka saaran tahay shacabka ay matalaan iyo nidaamka u qoran maamul goboleedyada.

Cali Maxamed Geedi ayaa ku sugan magaalada Kismaanyo ee xarunta gobolka Jubada Hoose wuxuuna xalay kulan la qaatay masuuliyiinta maamulka Jubaland.
Cali Maxamed geedi ayaa sheegay in magaalada kismaanyo uu ku soo arkay hormar dhiancyo badan leh sida uu tilmaamay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *