Dhalinyarada iyo haweenka oo aanan weli helin qoondada ay ku leeyihiin qandaraasyada dowlada

Warbixin cusub oo la soo saaray ayaa lagu sheegay in dhalinyarada, naafada iyo haweenka ku nool wadanka aysan weli si buuxda u helin boqolkiba 30 oo ah qoondada ay ku leeyihiin qandaraasyada kala duwan ee ay dowlada bixiso.
Warbixintan ayaa waxaa soo bandhigay maamulka maareeya soo iibsashada agabka lagu shaqeeyo ee xafiisyada dowlada.
Baaritaano la sameeyay kadib, maamulkan ayaa sheegay in dhalinyarada miisaaniyad sannadeedkii 2017-kii – 2018-ka la siiyay boqolkiba 23.4 keliya oo qandaraasyo ah.
Sido kale dadka uunan lixaadka u dhameystirnayn ayaa la siiyay qoondadii ugu yareeyd ee dhanka qandaraasyada ah .
Waxaa warbixinta lagu sheegay in waaxyaha iyo shirkadaha qaar aysan qandaraas siinin haweenka, dhalinyarada iyo naafada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *