Madaxweynaha oo maanta shaacinaya adeegga ciidamada ilaalada badaha

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa la filaya in maanta oo isniin ah uu si rasmi ah magaalada Mombasa ee gobolka xeebta xariga uga jaro adeegga ciidamada qaabilsanaan doono ilaalinta badaha
Saraakiishan ayaa sido kale loo xilsaaraya dhaqangelinta shuruucda la xariirta maareynta kheyraadka biyaha.
Madaxtooyada dalka ayaa sheegtay in Mr. Kenyatta uu isla maanta daahfuri doono markab weyn oo loogu magacdaray MV Doria, oo ay ciidamada u adeegsan doonaan howlgalada ay fuuliyaan.
Marka laga soo tago ilaalinta badaha, ciidamada ayaa sido kale xakameyn doono wasaqeynta hawada ,la tacaalidda kallumeysiga sharci darrada ah iyo faya dhowrka.
Toddobaadkii hore ayuu madaxweynaha dalka , Vincent Naisho Loonena u soo magacaabay agaasimaha guud ee waaxda maanta la shaacinayo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *