3 qof oo lagu dilay toogasho ka dhacday Maraykanka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Chicago ee dalka Maraykanka ayaa sheegaya in nin hubeysan uu toogasho ku dilay saddex qof.
Toogashada oo markii dambe ninkii geystay la dilay ayaa ka dhacday isbitaalka Mercy ee magaladaasi waxayna dadka dhintay isugu jiraan sarkaal boolis ah iyo laba qof oo kale.
Sido kale galbeedka Maraykanka ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhacday toogasho kale oo hal qof looga takhalusay saddex kalena ku dhaawacmeen.
Taliyaha booliska Chicago ,Eddie Johnson ayaa sheegay in falkaasi uu ka soo bilowday bannaanka isbitaalka kadib muran dhex maray laba qof oo ku sugnayd goobta baabuurta la dhigo.
Sarkaalkan ayaa intaasi ku daray in haweeney ka mid ah dadka la dilay uu xariir kala dhexeyay eedeysanaha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *