5 Milyan oo kenyaan ah oo aanan suuli isticmaalin

Iyadoo guud ahaan dunida shalay laga xusay maalinka musqullada ayaa warbixin cusub oo la soo saaray lagu sheegay in kenyaan tiro ahaan dhan 5.6 milyan oo qof aysan lahayn suuli ay ku xaaja gutaan.
Sarkaalka ismaamulka Tana River ee gobolka xeebta u qaabilsan faya dhowrka ,Odha Dae ayaa sheegay in boqolkiba 57 ee shacabka maamul goboleedkaasi aysan u dhisnayn musqullo.
Sida laga soo xigtay ra’iyi arruurin laga sameeyay qoysaska Kenyaanka , Boqolkiba 74 shacabka ku nool Samburu ayaa dhibaatadan oo kale wajahaya, Turkana boqolkiba 65 ,Marsabit 52 , galbeedka Pokot 51 halka Kwale tiradaasi ay tahay boqolkiba 48 .
Sannadkii 2011-kii ayay ahayd markii la soo saaray hiigsiga dalka looga ciribtirayo bannaanada oo lagu saxaroodo oo inta badan laga soo tabiyo miyiga iyo tuulooyinka.
7 ka mid ah tobankii qof ee Kenyaan ah ayaanan weli lahayn hannaanka habboon ee lagu maareeyo nadaafad darrada .
Guud ahaan dunida, qiyaastii 1.8 billyan oo qof ayaa isticmaala biya ay suuragal tahay inay gareen saxarada iyo kaadida aadanaha.
Waxaa la qiyaasaa in saameynta ka dhalata bannaanada oo uu qofku ku xaaja guto , sannadka kasta uu dowlada uga baxo dhaqaale dhan 8.8 bilyan oo shilin.
Cudurka shubanka oo ka mid ah xanuunada laga qaado nadaafad darrada ayaa sannad kasta waxaa u dhinta in ka badan 289,000 oo ah carruurta ay da’dooda ka hooseyso 5 sano.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *