IIraan oo ku hanjabtay inay isaga baxeyso heshiiskii Nukliyeerka

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Iiraan Iranian ,Javad Zarif ayaa maanta oo talaada ah wacad ku maray in dalkiisa uu isaga baxayo heshiiskii uu sannadkii 2015-kii la saxiixday qaar ka mid ah wadamada ugu awoodda badan caalamka kaasi oo ku saabsanaa nukliyeerka.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay inay khasab tahay in laga soo baxo waxyaabaha ay iiraan doonayso in la fuliyo.
Mr. Zarif ayaa sheegay in wadamada midowga Yurub iyo dalalka kale ee caalamka ay ogyihiin in hadii dhaqaalaha iiraan caqabad lagu noqdo aysan ka sii mid ahaanayn isafgaradkaasi.
Bishii sideedaad ee sannadkan ayuu Maraykanka cunaqabatayn dhaqaale saaray iiraan kadib markii uu bishii shanaad isaga baxay heshiiskii la saxiixday.
5-tii bishan ayaa waxaa mar kale dhaqangalay cunaqabatayn kale oo uu Maraykanku saaray Iiraan taasi oo lagu bartilmaameedsaday waaxyaha tamarta iyo maaliyadda.
Madaxweynaha iiraan Xassan Ruuxaani ayaa dhankiisa sheegay in xayiraadda Maraykanka aynan wax saameyn ah ku yeelan doonin oo iiraan ay sii wadayso inay shidaalkeeda u iib geyso wadamada kale.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *