Sacuudi Carabiya iyo imaraadka oo Yemen u ballanqaaday 500 milyan oo doolar oo gargaar ah

Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo dowlada isutaga imaraadka Carabta ayaa ballanqaaday inay gargaarka bani’aadanimo ee Yemen ku taageerayaan dhaqaale dhan 500 oo milyan oo doolar.
Waxay labaduba halkaasi ka wadaan dagaal ay kula jiraan kooxda Xuutiyiinta ee ka soo horjeeda dowlada.
Qorshaha la xariira deeqdan ayaa waxaa shaaca ka qaaday kormeeraha guud ee xarunta gargaarka bani’aadanimo ee boqor salmaan Cabdullah bin Cabdulcaziz Al-Rabi’ah iyo wasiirka imaraadka ee iskaashiga caalamiga Reem al-Hashimy oo si wadajir ah shir jaraaid ugu qabtay Riyaadh.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *